Tuesday, July 28, 2026
25 C
Mogadishu

Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Ku-Xigeenka ergayga QM ee Soomaaliya oo Shir ku yeeshay Muqdisho

Muqdisho(Halqaran.com) –Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya , Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, ahna Isu-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay, Adam Abdelmoula.

 

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Wasiirka iyo Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey iyo dadaallada lagu xoojinayo heerarka gargaarka bani’aadannimo iyo horumarinta ee loogu adeegayo shacabka Soomaaliyeed.”

Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay Soomaaliya ka taageertaa dhinacyo badan aida amniga, Gargaarka iyo arrimo kale.

Sido kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu kulamo kala duwan la qaadanayay wakiilada Beesha Caalamka Beesha Caalamka, kuwaas oo intooda badan ay ahaayeen kuwo uu isku barayay maadaama uu xilka ku cusub yahay.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...