Afahayeenka Booliiska Soomaaliya oo ka hadlay dilkii Sowda iyo Sakariye (maxaa ku soo kordhay)

Muqdisho(Halqaran.com) –Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa faah faahin ka bixiyey dil xalay Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho loo geystay Wiil iyo Gabar walaalo ah, kuwaasi oo wada saarnaa Mooto Bajaaj mareysay Isgoyskaas.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in Laamaha ammaanka Dowladda ay ku raad-joogaan Askartaas oo la socotay gaari Nuuca Soomaalida u taqaan Cabdi Bile oo falka kaddib baxsaday.

“Dilka labada marxuum waxaa geystay Gaari Cabdile labo shirle ah oo ku buufsan sumadda Ciidanka Xoogga Dalka, xalay ilaa maanta waxa aan ku howlanahay baarista Askarta ka dambeysay Dilka, Haddii aan nahay Booliiska Soomaaliyeed waxaa sida ugu dhaqsiyaha badan uga daba-tageynaa falkaas” ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliiska Cabdifitaax Aadan Xasan.

Sido kale Hay’adda dembi baarista CID-da ayuu caddeeyay Afhayeenka Booliska inay baaris ku wado kiiska oo Ehelada Marxuumiinta ay Gal-dacwadeed ka furteen CID-da, isaga oo intaas kusii daray in Ciidanka dhibka geysteen ay aadeen dhinaca wadada aada Isgoyska Bakaaraha ee Muqdisho.

“Falkaan foosha xun markuu dhacay waxaan la  xiriirey hayadaha amniga ee baarista iyo ka daba tagista fal dembiyeedyada ku shaqada leh ee ay ugu horeeyaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, sidoo kale waxaan la hadley qaar ka mid ah eheladii dhibtu gaartey” ayuu yiri Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya.

Lama oga illaa iyo hadda sababta ay ciidamada u dileen labadaasi qof, waxaana haatan ehellada Zakariye iyo Sowdo ay dalbanayaan in cadaaladda la horkeeno askartii ka dambeysay falkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com