Muqdisho(Halqaran.com) –Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku booriyay fallaagada Tigreega inay isa soo dhiibaan, isagoo oo shegay in ciidamada dowladda ay ku dhow yihiin guul hal toddobaad uun kaddib markii uu wacad ku maray inuu hoggaamin doono howlgallada milateri ee ka socda jiidaha hore.
“Dhallinyarada Tigray waxay u baaba’ayaan sida caleemaha, iyagoo og in laga adkaaday, waxaa hoggaaminaya qof aan lahayn aragti iyo qorshe cad,” ayuu yiri Abiy, oo ku guuleystay abaalmarinta Nobel Peace Prize 2019.
“Waxaan u soo jeedinaa maanta Tigreega in ay isku dhiibaan ciidanka difaaca qaranka Itoobiya, ciidamada gaarka ah, maleeshiyaadka iyo shacabkaba” ayuu yiri sida ay baahisay warbaahinta dowladda.
Dhawaan ayay aheyd markii dowladda ay shaacisay inay dib ula wareegtay deegaanno dhaca gobolka Canfarta.
Hadalkan ayaa imanaya xilli wasiirka arrimaha dibadda ee waddanka Shiinaha uu booqasho ku tegay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa halkaas oo uu kulamo kula yeelanayo madaxda dowladda Itoobiya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





