Baydhabo(Halqaran.com) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) kulan la yeeshay Guddiyada doorashooyinka, isagoo kala hadlay arrimo ku aaddan doorashooyinka dalka.
Madaxweyne Cabdicasiis ayaa guddoonka Guddiyadaan kala hadlay cabashada kasoo laabatay Doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee lagu qabtay Magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ah ee DG Koofur Galbeed.
Dhanka kale Maxamed Xasan Cirro oo ah Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Federaalka (FEIT) oo Warbaahinta la hadlay kulanka kaddib waxa uu sheegay in dib u eegis lagu sameynayo kursiga tirsigiisu yahay HOP#103 oo doorashadiisu muran ka dhex dhaliyay Guddiga FEIT & SEIT Koofur Galbeed.
“Socodka aan Baydhabo ku tagnay waxaa qayb ka ah in aan la kulano Madaxweynaha Koofur Galbeed oo aan fadhi kala yeelanay arrimaha Doorashooyinka, cabashooyinka kasoo laabtay & sida wax loo maareyay” Waa sida uu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Federaalka.
“Baaritaanno ayaan ku sameyn doonaa kursiga HOP#103 ee uu hakiyay Guddiga Doorashooyinka FEIT, Dadka ay quseyso waan la kulmi doonaa si aan u fiirino cabashooyinka kasoo laabtay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Maxamed Xasan Cirro.
Baydhaba ayaa waxaa ka socota doorashada Golaha Shacabka, waxana magaalada lagu doortay qaar ka mid ah kuraasta Xildhibaanada, iyadoo haddana loo madalsan yahay in gabi ahaanba lagu soo doorto Kuraasta Dowladda dhexe kasoo galaya KGS.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





