Wednesday, July 29, 2026
25 C
Mogadishu

Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliya Oo Xilka ka Qaaday taliyihii ciidanka magaalada Baladweyne.

Muqdisho(Halqaran.com) –Taliyihii Booliska Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa xilkii laga qaaday, waxaana la magacabay Taliye Cusub, kadib warqad kasoo baxaday taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Magaalada Baladweyne Labo Xidigle Mohamed Hussein Mohamud Duurdege waxa uu kasoo shaqeeyay talisyo kala duwan oo Booliiska ku leeyahay Bartamaha & Koofurta Soomaaliya.

Sido kale Gaashaanle Maxamed Qoorsheel oo ah taliyahii xilka laga qaaday ayaa ku mashquulsanaa nabadgalyada Magaalada Baladweyne oo ay ka dhaceyso Doorashada qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...