Ruushka(Halqaran.com) –Madaxweynaha wadanka Ruushka Vladimir V. Putin ayaa warqadaha aqoonsiga danjire-nimo ka guddoomay safiirka Cusub ee ay Soomaaliya u magacowday dalkaasi Mudane Xasan Cabdi Daauud.
Munaasabad kooban oo lagu qabtay aqalka madaxtooyada dalka Ruushka ayaa madaxweyne Vladimir V. Putin waxaa uu qudbad ugu jeediyay safiirada cusub ee uu aqoonsiga ka guddoomay kuwaa oo gaaraya 21 danjire oo ka kala socday dalal ka duwan oo ay Soomaaliya ka mid tahay.
Putin waxa uu Danjiraha cusub ee Somalia u sheegay inay Dowladda Federalka ku tallaabsatay Tallaabooyin lagu xoojinayo Madax Banaanida iyo Wadajirka dhuleed ee dalka Somaaliya, La-dagaalanka waxa uu ugu yeeray Argagixisada iyo Xag-Jirka, waa sida uu Madaxweyne Putin hadalka u dhigay.
Mudane Xasan Cabdi Daa’uud ayaa ka shaqeynaya kor u qaadista xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalka Ruushka gaar ahaan dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha, waxbarashada, cafimaadka, ganacsiga iyo ciidamada.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





