Monday, May 25, 2026
30.9 C
Mogadishu

WhatsApp oo shaacisay in ay dhaqan gelinayso isbedelladii laga carooday

Nairobi (Halqaran.com) – Shirkadda WhatsApp ayaa qorshaynaysa in aanay ka noqon wax ka bedel muran dhaliyey oo ay doonayso in ay ku samayso qodobada heshiiska adeegsiga aaladeeda, laakiin cadhadii go’aankaa ka dhalatay ka dib waxay haatan wax ka bedelaysaa qaabka ay u wargeliso dadka adeegsada aaladeeda.

Bilowgii markii ay arintaa shaacisay Jeeniweri, malaayiin qof oo adeegsan jiray aaladeeda ayaa u wareegay aaladaha shirkadaha la tartama Whatsapp.

Shirkaddan ay leedahay ta kale ee wayn ee Facebook ayaa hore u shaacisay in “warar qaldan laga baahiyey” isbedelka ay doonaysay.

Laakiin waxay haatan sheegtay in ay “ka fiirsatay” siday haboon ee ay ahayd in ay isbedelka dadka ugu sheegi lahayd.

Sida loo dhigay erayada digniinta wargelinta ahaa ayaa markii hore dhaliyey cabsi ah in WhatsApp xogta shakhsiga ee dadka adeegsada aaladeeday ay la wadaagayso Facebook.

Xaqiiqdii se, isbedel yar uun baa arintaa ka hir galay dadka adeegsada aaladeeda baankooduna waxay markii hore ba way ogolaadeen.

Si ay mar labaad isugu daydo in ay dadka u qanciso, WhatsApp waxay mar kale todobaadada soo socda ku wargelin doontaa isbedelka dadka adeegsada aaladeeda.

Waxay macaamiisha ku dhiiri gelinaysaa in ay fahmaan marka cusboonaysiinta aaladda ay samaynayaan waxa isbedeli kara iyo waxa aan isbedeli doonin.

Fariimaha wargelinaya macaamiisha waxay ku gaadhsiin doontaa si shakhsi ah oo qofku ka akhrisan karo aaladdiisa.

Qorshahan cusub waxa loo mudeeyey inuu dhaqan galo 15 bishay May ee sannadkan.

Xigasho – BBC

@Halqaran News

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...