Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin cusub ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyay Ciidamada AMISOM iyo Ururka Al-Shabaab oo xalay ak dhacay saldhigga ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin duleedka magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya, in dagaalka ka hor uu jiray, weerar Madaafiic ah oo Mintidiinta Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhigaan Ciidamada Amisom ay ku leeyihiin deegaanka Arbacow ee duleedka Ceelasha Biyaha, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen Madaafiicda kadib inuu xigay dagaal fool ka fool ah.
Ururka Al-Shabaab ayaa soo weeraray Saldhigaan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday ku dhawaad saacad sida dadka deegaanka ay warbaahinta u sheegeen, waxaana dagaalkaasi la isku adeegsaday hub culus.
Qof ka mid ah dadka deegaanka Arbacow oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inaysan garan karin Khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay iyo Madaafiicda Al-Shabaab iyo Ciidamada Amisom ay is-weydaarsadeen.
Ciidamada Militariga Soomaaliya oo ka agdhawaa goobta dagaalka uu ka dhacay ayaa markii xabada ay istaagtay waxa ay sameeyeen hawlgal raad raacis ah, balse lama soo sheegin cid ay ku soo qabteen.
Ururka Al-Shabaab ayaa mararka qaar weerarro gaadmo ah waxa ay ku qaadaan Saldhigyada Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Gobolada dalka, iyadoona xilliyada qaar uu khasaare gaaro dadka shacabka ah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com