Baraawe (Halqaran.com) –Tiro madaafiic ah ayaa waxaa Maanta lagu garaacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada ee degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasnoo oo ay ka socotay doorashada Golaha Shacabka, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ahi isugu jira.
Sida aynu wararka ku heleyno Madaafiicda ayaa ku dhacday goobo ay ku sugnaayeen dad Shacab ah oo guriyahooda joogay.
Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay hal qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen 3 kale oo ka mid ah dadka deegaanka, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Dhanka kale Ciidamada ammaanka Federaalka, kuwa Koofur Galbeed & AMISOM ayaa billaabay howlgallo ka dhan ah Weerarkaas maadaama ay mas’uul ka yihiin ilaalinta nabadgalyada magaalada.
Xaaladda degmada Baraawe ayaa gashay muddo saacado ah jawi kale xilli halkaasi Maanta ay ka socoto doorashada 7 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka wallow ay hada dagantahay.
Abdifatah Hassan Hussein
Xafiiska Wararka Halqaran, Marka
Halqarannews@gmail.com





