Sunday, July 19, 2026
24.8 C
Mogadishu

Maxay tahay Cali Guudlaawe Amar ka uu Siiyey Madaxda Maamulka Hiiraan.

Baledweyne (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo uu wehliyo Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa maanta kulan la qaatay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka.

 

Madaxweynaha ayaa kulankaan warbixin uga dhageystay Masuuliyiinta Maamulka Gobolka iyo kan degmooyinka iyagoo ka warbixiyay xaaladaha nololeed ee ka jira deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan.

 

Sido kale Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan  Cali Jeyte Cismaan ayaa Madaxweynaha uga barxiyay abaaraha baahsan ee ka jira Gobolka si gurmad deg deg ah loogu sameeyo deegaanada ugu daran ee abaaruhu ka jiraan.

 

Guudlaawe ayaa balan qaaday in gurmad biyo dhaamin iyo gargaar la gaarsiin doono deegaanada iyo degmooyinka ay abaaraha ka jiraan.

 

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ugu dambeyn faray Maamulka Gobolka in si deg deg ah uga shaqeeyaan amniga iyo xasilinta Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, si looga hortago falalka amni darro ee xiliyada qaarkood halkaas ka dhaca.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...