Baraawe (Halqaran.com) – Waxaa Maanta Magaalada Baraawe ee Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ka dhacday doorashada lix kamid ah kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Baraawe.
1 : Hop-250 ayaa waxaa ku guuleystay Cali Maxamed Sheekh oo helay 80 Cod, halka Musharaxii la tartamayey ee Cabdala Maxamed Shariif uu isna helay 17 Cod, ma jirin Cod ka halaabay doorashada oo la shaaciyay.
2 :Hop-160 oo uu ku fadhiyay Nuur Siidow Baaba ayaa waxaa doorashadii dhacday ku guuleystay Maxamed Yuusuf Xasan oo ah Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed, isaga oo helay codad gaaraya 73-cod halka musharaxii la tartamayeyee Cali Abuukar Maxamed uu heley 12-cod.
3 :Hop-173 oo uu ku fadhiyay Cusmaan Xaaji Cali ayaa waxaa ku guuleystay Cabdifataax Cabdulaahi Araye, isaga oo helay codad gaaraya 73-cod halka musharaxii la tartamayey ee Cabduwahaab Cali Axmed uu heley 16-cod.
4 :Hop -080 ayaa waxaa ku guuleystay Aweys Xuseen Macalin isla markaana waxa uu helay codad gaaraya 76 Cod halka Musharaxii la tartamayey Maxamed Cusmaan Jibriil uu heley 20 Cod.
5 : Hop-155 ayaa waxaa kusoo baxday Jawaahir Cadaawe Cabdi oo heshay 76 Cod, waxaana Musharaxii kale ee la tartamaysay Mariya Maxamed ay heshay 14 Cod, iyadoona kursiga ugu dambeeyay ee doorashadiisa lagu qabtay Baraawe ee Hop-150 uu kusoo baxay Cabduqaadir Cabdiraxmaan Dhuure oo helay 85 Cod, halka musharaxii la tartamayey Maxamed Cali Ibraahim uu heley 5-cod.
6 : Hop-150 oo uu ku fadhiyay Xasan Cismaan Xuseen (Qoryooleey) oo meesha laga saaray ayaa waxaa ku guuleystay Cabduqaadir Cabdiraxmaan Dhuure oo heley codad gaaraya 85-cod halka musharaxii la tartamayey Maxamed Ali Ibraahim uu heley 5-cod
Sido kale  Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa shalay ilaa iyo Maanta lagu doortay 13 kursi oo kamid kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Magaaladaas, waxaana Maamulka KGS uu noqday maamulkii ugu horreeyay ee bilaaba deegaan doorashada labaad.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com