Baraawe (Halqaran.com) – Magaalada Baraawe waxaa maanta ka billaabatay Doorashada 13 Kursi oo Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ah oo labo maalin la kala dooran dooro 7 Xildhibaan & 6 Kursi sida uu sheegay SEIT Koofur Galbeed.
Saalim Caliyow Ibrow oo markale u tartamay kursiga uu ku fadhiyay ayaa ku guuleystay HOP#165 kaddib markii uu helay helay 70 cod, waxaa la tartamay Aadan Cismaan Xasan oo helay 15 Cod sida uu sheegay SEIT Koofur Galbeed oo Natiijada soo gudbiyay.
Kursiga labaad ee Hop#161 oo uu horay ugu fadhiyay Sayid Cali Cabduqaadir Macalin ayaa waxaa ku guuleystay Yuusuf Aadan Maxamed oo helay codad gaaraya 80-cod halka musharaxii la tartamayay ee Cabdulaahi Xuseen Faarax uu heley 7-cod.
Kursiga Saddexaad ee Hop#044 oo ay ku fadhiday Safiya Xasan Nuur ayaa waxaa Maanta doorashadii dhacday ku guuleysatay Maryan Maxamed Cali oo heshay codad gaaraya 73-cod halka musharaxii la tartamaysay Faadumo Xasan Cumar ay heshay 10-cod
Xuseen Cali Xaaji oo helay 81 Cod ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay HOP#016 oo ay ku fadhisay Amiina Sheekh Cismaan, Musharaxa la tartamay oo ah Ismaciil Xuseen Axmed waxa uu heley 10-cod.
Cabdulaahi Cumar Abshirow ayaa Markale kusoo laabtay HOP#152 kaddib markii uu helay codad gaaraya 83-cod halka Axmed Xasan Geedi uu heley 16-cod Sida uu Xaqiijiyay SEIT Koofur Galbeed.
Hop#153 oo uu ka geeriyooday Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa waxaa ku guuleysatay Farxiyo Maxamed Cabdi oo heshay codad gaaraya 88-cod halka musharaxii la tartamaysay ee Anisa Maxamed Xasan ay heshay 12-cod.
Hop#151 uu ku fadhiyay Cabdullaahi Xuseen Cali ayaa waxaa markale ku guuleystay Cabdulaahi Xuseen Cali, isaga o helay codad gaaraya 78-cod halka musharaxii la tartamayey ee Mahad Cali Axmed uu heley 17-cod
Dhanka kale Marka la eego kuraasta La doortay, Ergada Beelaha oo loogu talagalay 101 ruux ayaa ah kuwa ka yar tiradaas, Balse Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee SEIT Koofur Galbeed ma sheegin sababta keentay in ergadu ka yaraato intii loogu talagalay.
Ugu dambeyn Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqday Maamulkii ugu horreeyay ee bilaaba degaan doorashada labaad, kaas oo qeyb ka ahaa heshiiskii Golaha wadatashiga Qaran ay kasoo saareen shirkii ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.






Abdifatah Hassan Hussein
Xafiiska Wararka Halqaran, Marka
Halqarannews@gmail.com





