Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Diyaarad siday Agab gar gaar oo loogu talagalay dadka ay saameysay abaarta ka soo dajisay garoonka diyaaraha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya oo ay horkaceysay Wasiirka Gargaarka, maareynta & musiibooyinka Khadiijo Diiriye ayaa tegay Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde, iyaga oo halkaasi kula wareegay deeqda ka timid Imaaraadka Carabta.
Maxamed Alkacbi oo ka tirsan Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in gargaarkani uu qeyb ka yahay caawimaadda ay dowladda Imaaraadku ka geysaneyso gurmadka walaalaha Soomaaliyeed ee abaarta la ildaran.
Wasiir Khadiija ayaa kaga mahadcelisay gargaarka kasoo gaaray Imaaraatka Carabta, waxaana ay sheegtay in la gaarsiin doono dadka dhibaataysan ee Abaaruhu ku dhufteen.
Sido kale Waxaa ay hadalkeeda ku sii dartay in weli dalka meelo badan oo kamid ah ay ka jirto abaarta, waxaayna ugu baaqday cid kasta oo caawin karta Soomaaliya gudaha iyo dibadda inay gurmad la soo gaaraan.
RW Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay Mar labaad ku baaqay in la qaado tallaabo deg deg ah oo looga jaawabaya dhibaatooyinka taagan oo ay Abaartu Keentay.




Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





