Sunday, July 19, 2026
25.2 C
Mogadishu

Wasiirka Gaashaadhigga XFS oo la kulmay Ku-Simaha Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Muqdisho(Halqaran.com) –Wasiirka Gaashaadhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay ku-simaha Safaaradda Mareykanka Colleen Crenwelge iyo saraakiil ka tirsan Safaaradda Mareykanka ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan horumarinta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo la-dagaallanka Al-Shabaab.

 

Wasiirka iyo Saraakiisha safaaradda ayaa waxa ay hoosta ka xariiqeen ahmiyadda ay leedahay horumarinta ciidanka ,la dagaalanka Al-Shabaab iyo in ciidamada Soomaliya ahmiyad gaar ah la siiyo si amniga guud ee Dalka loogu wareejiyo.

 

Waxaa sidoo kale kulan labaad Wasiirka Gaashaandhigga JFS la yeeshey Howl-galka Tababarka Midowga Yurub oo ayaguna qeyb weyn ka qaata dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Wuxuu warbixin kooban ka dhageystey waxyaabihii u qabsoomay iyo qorshahooda mustaqbalka, Wuxuu sidoo kale la-wadaagay adeegyada iyo agabka hortabinta u leh Ciidanka Xoogga.

 

labada dhinac ayaa sidoo kale waxay isla garteen in ciidamada laga fogeeyo ku milanka siyaasadda xooggana la saaro sidii ay ula dagaalami lahaayeen waxa ay ugu yeeraan argagixisada.

Ugu dambeyn, wuxuu wasiirka uga mahadceliyey Dowladda Mareykanka iyo Midowga Yurub sida ay u garab taagan yihiin Dalka Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...