Sunday, November 22, 2026
27.9 C
Mogadishu

Wasaaradda Gaadiidka DFS oo Qalab Casri ah u dirtay Garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo (SAWIRRO)

Muqdisho(Halqaran.com) –Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb galay Munaasabad kooban oo ka dhacday Gudaha Garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho taas oo qalab casri ah loogu dirayay Garoonka Diyaaraha Baydhabo.

 

Qalabkaan ayaa ah mid lagu hago diyaaraha sidoo kalena ah mid casri ah, Waaana Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Raydka ah oo ka hadlay munaasabada uu sheegay in horumarinta Maamulka hawadda ay ka go’an tahay, iyadoona la rajaynayo in darajada hadda ay joogto oo ah G la geeyo A oo ah halka ugu casrisan.

 

“Horumarinta Maamulka Hawadda waa mid noo ah yoolka koowaad waxaana rajaynayaa in Soomaaliya ay qayb ka noqoto dalalka habka ugu casrisan u maamusha hawadooda”Ayuu Yiri Wasiir Duran Farah.

 

Wasiirka ayaa ugu dambayn sheegay in Dhamaan Garoomada dalka la hormarinayo , iyadoona dhanka kalena gaadiidka cirka ee dalka ka shaqeeya la tayaynayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...