Sunday, June 7, 2026
26.3 C
Mogadishu

Abaaro aad u daran oo kuhabsatay deegaano hoos yimaada galguduud

Muqdisho(Halqaran.com) –Deegaanka Kayn oo  35-km dhinaca koofur bari ka xiga Caddaado, ma helin labadii xilli roobaad ee ugu dambaysay, Waxaana abaarta ka jitaa ay saamaysay dad iyo duunyaba.

 

Deegaankaan malahan wax Ceelbiyood ah, waxaa ay  ku tiirsanyihiin dadka laasaska gacanta lagu qoday oo laga helo biyo yar hadana aan nadiif aheyn .

 

Sido kale Xoolaha oo jiilaalku raggaadiyay ayaan laheyn Cad, Caano,Beec toona, taas oo si adag u saamaysay xoola dhaqatada, sida uu sheegay Xuseen Maxamuud Cabduule.

”Anaka oo ah xoolo dhaqato ayaan nahay xoolihiina waa u jeedaa sida ay yihiin, sanad ayaa noogu dambaysay inay noo da’aan roobabka, waxaan kunool nahay wax nagula taakuleeyo ” ayuu yiri Xuseen.

 

Kayn iyo deegaanada ku dhaw malahan adeeg Caafimaad, waxaa bukaanada la soo qaadaa Caddaado, taas oo xaaladda uga sii dari karta, sida uu sheegay Cabdi Xoosh Cismaan  guddoomiyaha deegaanka Kayn.

 

Waxa uu ka codsaday maamulka Galmudug iyo dawladda Federaalka Soomaaliya inay soo caawiyaan bulshada deegaankan, oo si adag abaartu u saamaysay.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...