Sunday, June 7, 2026
26.3 C
Mogadishu

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay Askari dil ugeystay Qof shacab ah.

Muqdisho(Halqaran.com) –Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa saaka waxaa ay xulun dil toogasho ah ku fulisay Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor) oo horay u dilay Darawal Mooto Bajaaj.

 

Fagaaraha lagu toogtay marxuumka ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan Maxkamada Ciidamada, ehellada marxuumkii horey loo dilay & mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo.

 

Dhowaan ayey ahey markii Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay Beledxaawo ku toogatay Dable NISA Maxamed Cali Xuseen oo November 2021-kii gudaha degmadaas ku dilay labo wiil oo dhalinyaro ah, kana mid ahaa kooxda ciyaartoyda ee Beledxaawo.

 

Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Gaashaanle Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir oo toogashada kaddib Warbaahinta la hadlay waxa uu Ciidamada Dowladda Federaalka uga digay dhibaatooyin lamid ah falkaan.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...