Saturday, May 2, 2026
28.5 C
Mogadishu

Booliska Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay Qaraxii ka dhacay Maanta Muqdisho.

Muqdisho(Halqaran.com) – Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax Ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Wadada 21ka October ee Dagmada Waabari, kaas oo jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho.

 

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay uu ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaas oo lagu weeraray Gaari ay wateen Saraakiil katirsan Hay’adaha UN-ka xilli ay marayeen meel u dhow Wadada aada Airporka ee ka baxda dhinaca Wadada 21ka October.

 

 

Gaariga qarax siday ayaa lagu dhuftay gaari la sheegay inay saar naayeen Saraakiil katirsan Xafiiska Qaramada Midoobay .

 

 

Sido  kale gudoomiye ku xigeenka Amniga Gobolka Banaadir ayaa lasheegaya  inuu ka badbaaday qarax ismiidaaminta ahaa isagga oo maraye waddada Jeyga ee Degmadda Waabari.

 

“Waxaa ku dhintay 9 qof oo Soomaali ah, oo 5 kamid ah ay ahaayeen Ciidankii la socday iyo 4 qof oo rayid ah, dhaawacyada la soo tiriyay ayaa ah 14 ruux oo dhawac ah” ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska Cabdifitaax Xasan Aadan.
Afhayeenka ayaa sheegay in uusan jirin qof ka dhaawacmay saraakiisa caddaanka ee saarneyd gaariga lala beegsaday qaraxa, waxa uu sheegay in aanu cadeyn Karin cidda loo waday qaraxa.
ugu Dambeyntii Sawiro laga soo qaaday Goobta uu ka dhacay qaraxa ayaa muujinayay Gawaari nooca raaxada ah oo uu qaraxa burburiyay, Sidaasi ay tahay masuuliyadda Qaraxa  waxaa sheegtay Ururka  Al-shabaab.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...