Wasiirka Duulista Hawada oo kulan gaar ah la yeelatay guddiga Shirkadaha Diyaaradaha dalka +SAWIRRO

Muqdisho  (Halqaran.com) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta kulankii u horreeyay la yeelatay guddiga shirkadaha diyaaradaha Dalka.

Ujeedka kulankan ayaa waxa uu ahaa, xog-wareysi , xoojinta iskaashiga, caqabadaha iyo  sidii loo sii amba-qaadi lahaa horumarinta dhinacyada mudnaanta leh.

Wasiir Fardowsa , ayaa xaqiijisay sida ay go’antahay horumarinta iskaashiga shirkadaha diyaaradaha dal oo ay ku sheegtay inay daruufo kala duwan Dalka ugu soo shaqeeyaan.

”Maanta waxaan hiigsaneynaa in horumar laga gaaro arrimaha mudnaanta u leh diyaaradaha iyo garoommada,taa oo aan dooneyno si wadajir ah inan uga shaqeyno.” Ayay tiri Wasiir Fardowsa.

Labada dhinac ayaa waxaa lagu ballamay kulamo kale, si looga miro-dhaliyo iskaashiga.

Kulanka waxaa goobjoog u ahaa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada , Mudane Cali Gacal Gaabow , Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Mudane Axmed Macallin Xasan , Maareeye ku-xigeenka Hay’adda Duulista , Mudane Saciid Maxamed iyo Maareeyaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cabdulle , Maxamed Saciid Cabdullaahi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com