Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Wasiirka Dastuurka DF Somaliya oo gaaray Baydhabo +(Ujeedka)

Baydhabo (Halqaran.com) – Wasiirka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Sabtidii maanta gaarey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Goboka Baay.

Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo waxaa ku soo dhaweeyay, Wasiirro, Xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Gabeed qaar ka mid ah agaasimiyaasha Wasaaradaha, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiirka Dastuurka DF Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xusay in safarkooda Baydhabo uu la xiriiro geedi socodka qabya tirka Dastuurka, magaaladana ay ku qaban doonaan wadatashiyo la xiriira hawlaha dhammaystirka Dastuurka dalka.

Ugu dambeyn, wafdiga Wasiirka Dastuurka DF Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yihiin Magaalada Baydhabo waxaa uu la kulmi doonaan ku-simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Saciid Fiqi iyo mas’uuliyiinta kale ee Maamulka KG.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...