Muqdisho(Halqaran.com) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa ku qaabilay Muqdisho, Siihayaha Safaaradda Mareykanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo. Colleen Crenwelge.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga, si la mid ah horumarka laga gaaray amniga iyo siyaasadda, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Marwo Colleen & Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa isku soo hadal qaaday xaaladda kala guurka (Geedi-socodka) Dalka, kaalinta Washington ay ka qaadan karto doorashooyinka socda ee Soomaaliya.
Sido kale Kulankan ayaa la iskula soo hadal qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee dunida iyo Gobolka, arrimaha doorashooyinka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo u diyaar garowga qabashada doorashada Madaxweynaha.
dhinaca Kale Doorashooyinka Soomaaliya ayaa haatan maraya meel wanaagsan, waxaana si rasmi ah Magaalada Muqdisho ee Caasimda Dalka ugu bilaabatay shaley doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya Gaar ahaan Gobollada waqooyi.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





