Sunday, April 19, 2026
28.2 C
Mogadishu

Safiirka Dowlada Shiinaha u fadhindoona Soomaaliya oo Warqadaha aqoonsiga laga gaddomay +Sawiro

Muqdisho(Halqaran.com) –Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta oo Isniin ah Caasimadda Muqdisho uga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Mudane Fei Shengchao.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa ku nuux-nuux saday in Wasaaraddiisu ay u fududeyn doonto wixii howl ah Safiirka cusub ee Shiinaha si uu u guto waajibaadkiisa shaqo si xoojinaysa xiriirka adag ee ka dhexeeya labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in xiriirkan la gaarsiiyo heer cusub oo wax wadaagid iyo iskaashiba leh oo ku suntan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, beeraha, waxbarashada, caafimaadka iyo tamarta.

Dhankiisa, Safiirka Shiinaha ayaa caddeeyay sida uu dalkiisu u doonayo sare u qaadidda xiriirka qotoda dheer ee soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya iyadoo hore loo dhaqaajinayo iskaashi dhinacyo badan leh oo dan u ah labada dal, isaga oo muujiyay sida uu ugu kalsoon yahay in uu kor u qaadi doono deeqaha Shiinaha ee Soomaaliya si loo gaaro xasilooni iyo horumar.

Danjiraha cusub ayaa ballanqaaday in uu sii wadayo dedaallada uu hayay Safiirkii lagu bedelay oo ah xoojinta Xiriirka u dhaxeeya Xukuumadaha Beijing & Muqdisho oo waqti fog soo jireen ahaa sida hadalka loo dhigay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...