Muqdisho(Halqaran.com) –Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka hadlay doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho uu kusoo baxay Xildhibaankii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.
Kurisgii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka ayaa waxaa ku tartamay Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar & Mushtaaq Ibraahim Yuusuf, waxaana 97 cod ku guuleystay Mahdi Guuleed halka Mushtaaq Ibraahim Yuusuf ay heshay Saddex Cod.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa Guddiga doorashooyinka Somaliland iyo Guddiga doorashooyinka heer Federaal ku boggaadiyay dadaalkooda ay sameeyeen ee Maanta ku qabsoontay doorashada kuraastii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka.
Isaga oo siiwata hadalka ayaa uu u mahadceliyay ergooyinka soo doortay isaga iyo Biixi Iimaan Cigale, isla markaana waxaa uu sheegay inay doorashada aheyd mid furan oo tartan la galay, kuna dhacday si wanaagsan oo jawabi degan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





