Monday, July 27, 2026
26.5 C
Mogadishu

Wasiirka amniga oo si kulull uga hadlay is hor-taag lagu sameeyay Dad dibad bax dhigayay.

Muqdisho(Halqaran.com) –Wasiirka amniga  Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shaaciyay inay soo gaartay Cabasho ah in Ciidanka Booliska ay dhibaato u geysteen mas’uuliyiin iyo dad shacab ah oo Maanta Banaanbax looga soo  horjeeday Farmaajo ka dhigay Muqdisho.

Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in baaritaano lagu sameeyn doono sida ay wax u dhaceen oo shacabka looga hor istaagay banaanbixii ay Maanta ka dhigayeen xaafaddo ka tirsan degmada Hodan.

 

“Waxaa isoo gaartay Cabasho ah in hay’adaha Amniga gaar ahaan booliska dalku wax yeelo u gaysteen mas’uuliyiin iyo shacab  ka qayb gelayay isu soo bax nabadeed waxaana lagu samayn doonaa baaritaan sida ay wax u dhaceen” ayuu yiri Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka.

 

Sidoo kale Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur aya yiri “Waxaan shacabka iyo mas’uuliyiintaas u xaqiijinayaa in aan marna la aqbali doonin in saraakiisha hay’adaha amniga ku kacaan falalka lagu soo eedeeyay. Waxaan sidoo kale shacabka ugu baaqayaa in ay is dejiyaan lana ilaaliyo xasiloonida Caasimada mana la aqbali karo wax rabshada ah” ayuu kusoo gaba-gabeeyay Qoraalkiisa Wasiir Cabdullaahi.

 

Warkaan kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa yimid kadib markii Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur & Wasiirkii hore ee Amniga Axmed Macalin Fiqi ay sheegeen in Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Kaniif & Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole joojiyeen dibadbax lagu taageerayay Ra’iisul Wasaare Rooble.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...