Maxay ku heshiiyeen XFS, Midowga Afrika & AMISOM?(Wax badan ka ogow)

Muqdisho(Halqaran.com) –Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay Shir wadatashi ah oo ay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho kula yeelatay Guddiga Midowga Afrika iyo AMISOM.

 

War saxaafadeed ay maanta si wada jir ah u soo saareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga Midowga Afrika ee AMISOM ayaa looga hadlay mustaqbalka hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya kaas oo dib u habeen lagu sameeyay.

 

War murtiyeedka ayaa lagu yiri “DFS iyo Midowga Afrika waxay isku raaceen mabaadi’dii hagi doono ka-qayb qaadashada kala guurka DFS iyo Midowga Afrika 2022-ka, taas oo ay ku heshiiyeen in hawsha Guddigii Farsamada dib loo bilaabo, lana dhammeeyo shaqada farsamada ugu dambayn 11-ka February 2022.”

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu wakiil ka ah Mudane. Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane. Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, iyo Mudane. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiirka Amniga Gudaha, waxa ay kala hadleyn dhinaca kale oo uu hogaaminaayo Dr. Alhaji Sarjoh Bah, Agaasimaha Maareynta Khilaafaadka ee Midowga Afrika iyo Danjire Francisco Madeira, Ergeyga Gaarka ah Midowga Afrika ee Soomaaliya.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay AMISOM iyo dalalka Ciidamadooda (TCC) ee ku ku sugan gudaha dalka, iyagoo oo garab ka helaya Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya si uu dalka u helo nabad iyo xasillooni waarto.

 

 

Dowladda Federaalka ayaa hoosta ka xariiqday in la gaaray waqtigii AMISOM ay u xuubsiiban lahayd Hawlgalka ku-meel gaarka ah ee Midowga Afrika iyo in dib-u-eegis lagu sameeyo qorshaha kala-Guurka (STP), kaas oo natiijadiisa ah in si buuxi lagu hanto amniga dalka dhammaadka 2023ka.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com