Monday, July 27, 2026
26.5 C
Mogadishu

Wasiirka Amniga Cabdullahi Maxamed Nuur oo faah faahiyey amarkii uu Shaley Siiyay NISA.

Muqdisho(Halqaran.com) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa faahfaahiyey warqad uu maalinti shalay ahayd uu soo saaray oo ku saabsaneyn ciidamada NISA ee ka howlgala garoonka caalamiga ee Adan Cadde in boolis lagu baddalo.

Wasiir Cabdullaahi waxa uu Hay’adda NISA ka dalbaday in laga bilaabo maanta ciidanka dharcadda ah ay kasoo saarto Garoonka maadaama dhowr qalalaase oo ciidanka dharcadda ah ee NISA  uu ku lug lahaa ay ka dhaceen gudaha Garoonka.

Booliiska Soomaaliya ayaa Saldhig ku leh gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho, taliskaas ayaa ka shaqeynaya ilaalinta nabadgalyada Dadka soo degaya & kuwa ka safraya sida uu sheegay Wasiirka Amniga XFS.

Wasiirka amniga ayaa ayaa shegay in kaliya amarkaani uu quseeyo ciidamada dharcadda ah ee ku sugan garoonka aadan cadde.

“Esbedelka laxiriira Ciidamada NISA ee ka howlgala Garoonka Aadan Cadde wuxuu quseeyaa oo kaliya Ciidamada Dharcadda ah ee ka hawlgala Gudaha Garoonka Diyaaradaha (Terminal ka),, ayuu yiri wasiirka amniga Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka  ayaa si cad ah usheegin  in uu quseynin ciidamada gacanta ku haya baraha koorntaroollada ee laga galo garoonka Aadan Cadde.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa faray taliska NISA in ciidanka uu kasoo saaro garoonka, islamarkaana amniga guud ee garoonka inuu ku wareejiyo ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Hadalka wasiirka ayaa imaanayo iyadoo shalay amar kasoo baxay wasiirka amniga uu ku amray taliyaha ku meel gaarka ah ee ciidamadda NISA in uu kasoo saaro Garoonka aadan cade ciidamadda Nisa

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...