Monday, July 27, 2026
26.5 C
Mogadishu

Khasaaro Xoogan oo ka dhashay dab ka kacay Suuq ku yaalla Xaafada Seybiyaano.

Garoowe (Halqaran.com) -Waxaa faahfaahinno dheeraad ah laga helayaa dab ka kacay Suuqa caanaha ee ku yaala xaafadda Seybiyaano ee Degmada Hodan,  Uurrada dadbka  ayaa cirka siweyn looga dareemay.

Dabka oo markii hore ka bilowaday Xarun time-Jare ayaa kusii faafay goobo Ganacsi oo ay ku jiraan Bakhaaro waaweyn oo lagu iibyo raashinka iyo agayb kale oo badan, kuwaasi oo ku yaalla qeybo kamid ah Suuqa caanaha ee Seybiyaano.

Gaadiidka dab demiska Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwo ay leeyihiin Shirkaddaha Isgaarsiinta ayaa tegay Suuqa uu dabku ka kacay, iyadoona lagu guuleystay deminta dabkii kacay oo socday ku dhawaad laba saacadood oo xiriir ah.

 

Dabka ka kaca Goobaha Ganacsi ee kuyaalla Magaalada Muqdisho ayaa aad u badanaya, waxaana inta badan ku khasaaro dadka Ganacsatada ah kadib markii ay kasoo daahaan Gawaarida dam demiska Gobolka Banaadir, halka Suuqyada qaar loo waayo waddooyin loo maro si dabka loo demiyo.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...