Garoowe(Halqaran.com) –Dowlad Goboleedka Puntland ayaa war kasoo saartay iscasilaaddii ay ku dhawaaqeen Guddoomiyihii iyo Guddoomiye ku xigeenkii Guddiga doorashada Puntland, kuwaasi oo sheegay in ay isaga tageen shaqada Guddiga doorashada.
Warkasoo baxay Wasaaradda arrimaha Gudaha Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in marnaba aysan istaagi doonin shaqooyinka Guddiga, iyadoo xalay la doortay Giddoomiye iyo ku xigeenkiisa, kuwaasi oo howlaha guddiga sii dardar galin doona sida la sheegay.
” waxay Ummadda Puntland, guud ahaan Soomaali iyo Daneeyaasha Barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntland u caddeynaysaa in Geeddi socodka Dimuqraadiyeynta Puntland uu yahay hadaf ku dhisan heshiis bulsho, Dowladda Puntlandna u idmantahay ka guul gaarista hirgelintiisa,Sidaa darteed, iscasilaadda Madaxda Guddiga Doorashooyinka ma ahan mid saameynaysa ka go’naashaha dadka iyo maamulka Puntland in laga guul gaaro hirgelinta iyo dhammeystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.
Sido kale “Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay Guddoomiye Guuleed Saalax, iyo Ku xigeenkiisa Jaamac iyo dhammaan Xubnaha Guddigaba uga mahad celinaysaa hawl karnimadii horseeday qabsoomidda doorashooyinkii horudhaca ahaa ee Ufeyn, Qardho iyo Eyl. Qorshaha dhammeystirka Doorashooyinka Degmooyinka dhiman wuxuu u soconayaa sidii loogu talo galay inshaAllaah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com