Thursday, April 30, 2026
28.5 C
Mogadishu

Wasiir ka tirsanaa Hirshabeelle oo xalay lagu dilay magaalada Jowhar

Jowhar (Halqaran.com) – Waxaa xalay magaalada Jowhar lagu dilay Allaha u naxariisto wasiiru dowlihii wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee dowlad goboleedka Hirshabeelle, Nuur Xaashi Warsame.

Marxuum Nuur Xaashi Warame oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa xalay kooxo hubeysay ku dishay xaafadda Horsheed ee magaalada Jowhar, xilli uu ka soo baxay Masaajidka.

Wararka ayaa sheegaya, in raggii dilay marxuumka ay ku hubeysnaayeen bistoolado, iyagoona dhowr xabadood kaga dhuftay qeybaha kore ee jirkiisa, wuxuuna u dhinay rasaastaasi muddo yar kaddib.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in raggii falkaasi geystay ay goobtaasi ka baxsadeen, intii aanay gaarin Ciidamada Booliska.

Waa wasiirkii labaad ee ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeelle oo lagu dilo magaalada Jowhar, waxay bishii hore markii xaafadda Kulmi lagu dilay Allaha u naxariistee Wasiirkii beeraha iyo Waraabka ee maamulka Hirshabeelle, Xildhibaan Cabdulqaadir Abuukar Muxumed (Karaani).

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...