Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa “kalsooni darro xooggan” ka muujisay warbixin ku saabsan waxbarashada dalka oo Machadka daraasaadka ee Heritage uu soo saaray 18-kii Augost 2021.
Warbixinta Heritage oo ciwaankeedu ahaa”WAX BARASHADA AAN UBAAHANNAHAY ”ayaa looga hadlay cabqadaha haysta waxbarashada si gaar ah dhinacyada manhajka, waxbarista, qiimaynta iyo maamulka iyada oo DFS iyo Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka (FMS) kula talisay in ay xoogga saaraan nuxurka manhajka, kobcinta macallimiinta, qiimeynta iyo maamulka waxbarashada dalka.
Sido Kale Cilmi baaristu waxa ay ku boorisay wasaarada waxbarashada in ay mudnaanta siiso sameynta guddi qaran oo quburo ah qiimeyn ku sameeyo waxbarada iyo shahooyinka ay bixiyaan goobaha waxbarada dalka.
Halkaan Ka AKHRISO Warka Wasaaradda ay Soo Saartay:


Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





