Thursday, April 30, 2026
28.3 C
Mogadishu

Kulamadii lagu Qaboojinaayay Xiisada Galmudug iyo Ahlusuna oo natiijo la’aan ku soo dhammaaday. OGAAW SABABTA. .

Muqdisho (Halqaran.com) – Xidhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo qaar ka mid ah ganacstada degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa waan waan lagu qaboojinayo xiisada Galmudug waxa ay ka dhex wadaan Ururka Ahlusunna ee dhawaan la wareegay degmada Guriceel iyo maamulka Galmudug ee fadhiisu yahay magaaladda Dhuusamareeb.

Wararka aya sheegaya Xubnaha la kulmay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Sheekh  Axmed Shaakir ayaa u soo jeediyeen  in ay joojiyaan abaabulka dagaal isla markaana xiisada u dhaxaysa ay ku xaliyaan wada hadal iyo is qancin si looga baaqsado dagaal dhiig ku daato oo ka dhaca Bartamaha Soomaaliya.

Wafdigan oo  ah  xildhibaanada Ahlusuna ka soo galay Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa weli ku sugan magaalada Guriceel.

Dhanka kale Maanta ayaa  markale la filayaa in ay lakulmaan madaxda Ahlusuna iyo wafdiga ka socda maamulka Galmudug, ee shaley Tagay Magaalada Guriceel

Talaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Galmudug ay u isku-diyaarineyso qabashada doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose ee ku metelaya baarlamaanka 11aad ee federaalka 4-ta sano ee soo aadan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...