Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

Maxaa ka jira Wasiirkii Amniga Galmudug in uu is casilay

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wasiirkii Amniga Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Macalin fiqi ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay maamulkaasi, waxaana sidoo kale uu shaaciyay sababta rasmiga ah ee ka dambeysay inuu is casilo, xilli xaaladda Maamulkaasi Galmudug ay gashay waji cusub oo u eg saan-saan dagaal.

Fiqi, oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Maantay waxaan madaxweynaha Galmudug u gudbiyey iska casilaadaydii xilka wasiirka amniga Galmudug, ka dib markii aan isla fahmi weynay qaabka loo wajahayo khilaafka isaga iyo Ahlu suuna  u dhexeeya.”

Waxaa uu intaas ku daray Axmed Macalin Fiqi in Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uu Ciidamo farabadan ka daadgureeyay Muqdisho, si uu ugu weeraro Ahlu-Sunna, kuwaasi oo sida uu sheegay aan lagala tashan Wasaaraddiisa oo arrimaha amniga Galmduug ku shaqo leh. ”asagoo adeegsanaya ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey kuwaasoo wax talo ah  aysan ku lahayn masuuliyiinta  wasaarada , aniguna aan u soo jeediyey wadada wadahadalka iyo dagaal la’aantu in ay ka sahlan tahay, ka dhib yar tahay, kana guul badan tahay middaas” ayuu yiri Wasiirka iscasilay ee Galmudug.

 

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay inuu qaban doono shir jaraa’id oo u uku faah-faahinayo xaaladda cakiran ee Galmudug ka taagan, fariinna uu ugu diri doono waxgaradka Galmudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...