Nairobi(Halqaran.com) –Kenya ayaa sheegtay inaysan aqoonsan doonin go’aanka lagu wado inuu ka soo baxa Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ee ku saabsan muranka soohdinta badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya, Macharia Kamau ayaa sheegay maanta oo Jimca ah in dowladda Kenya aysan u hoggaansami doonin go’aanka ka soo baxi doono maxkamadaasi.
Maxkamadda ayaa lagu wadaa in ay go’aankeeda soo saarta Talaadada soo socota oo taariikhda ku beegan tahay 12-ka Bishaan Octoober 2021. Kenya ayaa mar sii horreysay sanadkan isaga baxday dhageysiga kiiska dacwadda badda.
Maxkamadda ICJ ayaa si cad u sheegtay in aysan u istaagi doonin isku day weliba oo Kenya ku sameyso shaacinta go’aankeeda, Kenya waxa ay dhowr jeer soosaartay hadallo ay ku dureyso Maxkamaddaan hoostagta Qaramada Midoobay.
Dacwaddan oo ay Soomaaliya gaysay maxkamadda ayuu ku tilmaamay isku day ay Muqdisho ku dooneyso inay ku xadgudubto mdaxbanaanida dhuleed ee Kenya taasi oo “soo billowday 1969.”
Xoghaya Wasaaradda arrimaha Dibadda Kenya ayaa wariyeyaasha u sheegay in ay kiiskan aamin-sanyihiin in lagu xallin karo wada hadal dhex mara labada dal.
Hadalka Kenya ayaa ku soo aadaya xilli Maxkamadda ICJ ay 12-bishaan ku dhowaaqeyso go’aanka kiiska muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





