Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xaquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa maanta ka qeybgashay shir ay isugu yimaadeen haweenka Soomaaliyeed oo lagu xoojinayay ololaha u qareemidda iyo xaqiijinta qoonddada haweenka ee ugu yeraan 30% kuraasta harsan ee Golaha Shacabka Soomaaliya.
Kullan kaan Waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo hormarinta xaquuqda aadanaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ,waxaana ka qeybgalay xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, iyaga oo isla Qaatay in ay muhiim u tahay Dalka qoondada Haweenka ee 30% .
Waxaa kale oo goob joog ahaa kullankan guddoomiye ku-xigeenka arrimaah bulshada Gobolka Banaadir, guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, guddoomiyaha ururka haweenka Gobolka Banaadir, wakiilo ka socday ururada u dhaqdhaqaaqa arrimaha haweenka iyo mas’uuliyiin kale.



Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





