Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug waxaa maanta lagu qabtay doorashada seddax ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP-138 codeyn gacan-taag ah waxaa uu ku helay 86 cod, kaddib markii ay tanaasushay Naciima Xuseen Cali oo isu diiwaangelisay kursigaan.
Kursiga nambarkiisu yahay HOP-007 oo ay isku diiwaangeliyeen Farah Cabdi Diiniiyo Mohamed Cabdi Cali, Waxaa ka tanaasulay tartanka Mohamed Cabdi Cali, waxaana ergadu hab gacan taag ah ugu codeeyeen musharax Farah Cabdi Diini waxaana ogol ugu codeeyey 76 ergada ah oo ah dhamaan ergada
Cabdullaahi Adan Kulane (Kulane Jiis) ayaa ku soo baxay kursiga tirsigiisa uu yahay HOP-040 ka dib markii uu tanaasulay Xassan Cabdi Jaamac, ergada oo dhaneed 101 ayaa ogal ugu wada codeeyay sida uu ku dhawaaqay SEIT Galmudug.
kursiga afaraad kaas uu tirsigiisa uu yahay HOP- 053, waxaa isku soo sharaxay illaa 7 musharax waxaa ku soo baxay Raysal Qorane Abshir oo heshay 83 Cod, Fahmo Caabi Guureeye heeshay 1 cod, Ubax Cabdi Cali ma’aysan helin wax cod, Zamzam Xasan Diiriye ma’aysan helin wax cod, cod Hani Cabdi Gaas ma’aysan helin wax cod, iyo Xaajiyo Axmed Gaas oo tanaasushay. Sida uu ku dhawaaqay SEIT Galmudug.




Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





