Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta shaaciyay jadwalka doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi oo lagu qabanayo Magaalada Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Gobolka Waqooyi ee Somaliland ayaa lagu shaaciyay in doorashada Saddex da kursi ee kala ah, HOP#264, HOP#224 iyo HOP#242 ay dhici doonto 17-ka Bishaan.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Gobolada Waqooyi ayaa wada dardar gelinta doorashooyinka Golaha Shacabka, waxaana ay horay u qabteen doorashada kuraas farabadan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





