Saturday, July 18, 2026
26 C
Mogadishu

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Shir Gaddoomiyay golaha wasiirada ee Maamulkiisa.

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Golaha Xukuumada Hirshabeelle, kaas oo ka qabsoomay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

 

Shirka Golaha Xukuumada ayaa sidoo kale looga hadlay abaaraha ka jira deegaanada Hirshabeelle, iyadoo Goluhu la wadaagay Madaxweynaha baaxada ay gaarsiisan tahay abaarta xiligaan ka jirta Gobolka Hiiraan, waxaana ay tilmaameen in deegaano badan ay ka jirto biyo la’aan daran.
Madaxweyne Guudlaawe  ayaa Wasiirada Wasaaradaha Maaliyada, Dib u Heshiisinta, biyaha, Howlaha guud iyo shaqada iyo Arrimaha bulshada  ee Maamulka Hirshabeele ka dhageystay Mashaariicda taagan xiligaan ee u baahan in deg deg loo fuliyo.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa sheegay inay xiligaan ay jirto abaar xoogan, deegaanada qaarna looga barakacay biyo la’aan, waxa uuna tilmaamay in deegaanada abaarta ka jirto la gaarsiin doono biyo dhaamin iyo gargaar deg deg ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...