Tuesday, April 21, 2026
29.9 C
Mogadishu

Wasaaradda Diinta & Awqaafta oo Digniin ka soo saartay xoolaha la qalo maalinta Ciidul Adxa

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay xoolaha lagu qalo xaafadaha, inta lagu guda jiro Ciidul Adxa.

Wasaaradda ayaa fartay dhammaan hay’adaha samafalka, kuwooda wadaniga ah iyo kuwa caalamigaba ee dalka ka hawlgala ee ka shaqeynaya fulinta Udxiyada sanadka 1442 2021, in ay u hoggaansamaan awaamirta Wasaaradda, Gobolka Banaadir iyo Wasaaradaha Diinta & Awqaafta ee Dowlad Goboleedyada.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda ayaa lagu sheegay inaanay jirin hay’ad u madaxbannaan in ay xoolaha ku gowraci karto goob ka baxsan goobaha loo asteeyay.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono, ciddii aan u hoggaansamin awaamiirtan.

Hay’adaha ayaa la faray inay la shaqeeyaan guddiga loo xilsaaray arrintan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...