Wednesday, April 29, 2026
30.9 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda caafimaad ee R/wasaarihii hore ee Nuur Cadde

Allaha Caafiyo Ambasaddor Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)

London (Halqaran.com) – Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladdii kumeel gaarka ahayd ee Soomaliya, Ambasaddor Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), ayaa ku xanuunsanaya dalka Ingiriiska gaar ahaan London, kadib markii lasoo weriyay in uu ku dhacay cudurka Coronavirus (Covid-19).

Maxamed Nuur Xasan Xuseen oo ka mid ah carruurta uu dhalay, Nuur Cadde ayaa ka xog waramay xaaladda caafimaad ee aabihii.

Maxamed Nuur oo la hadlay Laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in xaaladda aabihii ay maalinba maalinta ka dambeyso ka soo reynayso, ka dib markii uu ku dhacay caabuqa Coronavirus.

Mar uu ka jawaabayay goorta uu cudursidaha COVID-19 ku dhacay aabihii ayaa sheegay in muddo sideed maalmood ka badanba uu xanuunkaasi la jiifay, balse ay iminka xaaladiisa aad uga soo reynayso.

Maxamed Nuur Cadde ayaa walaac muujiyay bulshada qaybteeda oo baraha bulshada ku baahisay war aan sal iyo raad toona lahayn, oo xiriira in aabihii uu geeriyooday.

Ina Nuur Cadde waxa uu dadka Soomaaliyeed ka codsaday in ay joojiyan warxumo tashiilka, wixii macluumaad ay xaaladda aabihii uga baahan yihiina, ay diyaar ula yihiin inay la wadaagaan.

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Nuur Cadde ayaa noqonaya masuulkii ugu sareeyay ee dalka xil ka soo qabta, ee uu ku dhaco cudursidaha COVID-19 oo ka dhashay Coronavirus.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...