Jabuuti (Halqaran.com) – Wararka ay Halqaran.com ka helayso Shirka maanta ka furmay dalka Jabuuti ayaa sheegaya, in wajiga koowaad ee wada-hadallada DF Soomaaliya iyo Somaliland ku soo dhammaaday natiijo la’aan, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay.
Natiijo la’aanta ayaa timid, kadib markii Madaxweynaha Somaliland uu dalbaday Ajandaha Shirka in lagu soo daro gooni isu-taaga Somaliland.
Labada qodob oo uu miiska saaray madaxweyne Biixi ayaa sababay in shirkii maanta ka furmay Jabuuti wajigiisii koowaad halkaa lagu joojiyo oo kala ah:-
1- In garawshiyo laga bixiyo xasuuqii loo geystay shacabka Somaliland.
2- In lagu daro ajandaha in Somaliland aqoonsi la siiyo .
Waxaa socda dadaallo ku aadan in mar kale dib la isku soo laabto si loo sii amba qaado Shirka oo hadda is taagay.
Kala soco mar walba Halqaran.com wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com














