Saturday, May 9, 2026
27.8 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay Shirka ka socda Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya, in Shirkii u dhaxeeyay madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu dib u furmay, iyadoo dhammaan ka qeybgalayaashu ay goob joogyihiin, sida ay Halqaran News u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Madaxweynaha dolwad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lagu guuleystay in uu maanta shirka ka soo qeyb galo, kadib markii uu xalay ka baaqday markii la isku fahmi waayay shalay xaaladda gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya, in shirka uu socda, welina aan wax is afgarad ah laga gaarin dooda gobolka Gedo, balse meel fiican ay wax marayaan.

Sidoo kale, Wararka ayaa intaasi ku daraya, in ay jirto cadaadis dhincyada uga imaanaya beesha caalamka taas oo dhinacyada lagu khasbayo in aanay shirka ka tagin ilaa heshiis la gaaro.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa wali ku adkeysanaya in maamulka gobolka Gedo gacanta loo soo galiyo ka hor doorashada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...