Sunday, March 15, 2026
27.2 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay qarax la doonayay in lagu dilo guddoomiye degmo

Muqdisho (Halqaran.com) –  Waxaa faah-faahin dheeraad ka soo baxaya qarax miinada dhulka lagu aaso ah, kaasi oo ka dhacay agagaarka garoonka kubadda Cagta ee Eng. Yariisow ee Degmada Cabdulcasiis ee gobolka Banaadir.

Qaraxani ayaa jugtiisa ayaa waxaa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya, in qaraxaasi lala beegsaday gaari uu la socda guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, Muuse Geeseey Jimcaale, isagoo xilligaasi ku sii socday garoonka oo ay ka socotay Ciyaar u dhaxeysay Kooxda Degmada Yaaqshiid iyo Koox kale.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ayaa ka badbaaday qaraxaasi la doonayay in lagu dilo.

Balse qaraxaasi waxaa ku geeriyooday, hal qof oo ahaa wade mooto bajaaj, halka laba kale oo shacab ah ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa durba loola cararay goobaha caafimaadka, si loola tacaallo dhaawacooda.

Weli wax war ah kama soo bixin maamulka degmada Yaaqshiid oo ku aadan qaraxii lagu dili lahaa guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Muuse Geeseey Jimcaale, balse uu ka badbaaday.

Ciidamada booliska Soomaaliya oo howlgal ka sameeyay halka uu qaraxa ka dhacay, ayaan la ogeyn inay dad u soo qabteen iyo in kale.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...