Wednesday, April 29, 2026
28.7 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay Beledweyne

Beledweyne (Halqaran.com) – Qarax Khasaaro dhimasho ah geystay ayaa waxaa uu maanta ka dhacay Xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne, iyada oo jugtiisa siweyn looga maqlay Xaafadaha Magaaladaas.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay laamiga Bacadada ee Xaafada howl-wadaag.

Waxaana ku dhintay Qaraxan hal Askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka macawuusleyda ah.

Guddoomiyaha degmada Beledweyne oo gaaray halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay inay meydka Askari ka tirsanaa macawiisleeyda ay goobta ka qaadeen, islamarkaana falkaasi ay ka dambeeyaan Al-Shabaab.

Sidoo kale, wuxuu intaasi raaciyay guddoomiyaha in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay qaraxa ayna rajeynayaan in gacanta lagu soo dhigo.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas, hayeeshee inta badan qaraxyada noocaas oo kale ah ayaa waxaa sheegta Ururka Al-Shabaab oo dagaal kula jira Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...