Saturday, May 16, 2026
30.9 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay Qarax Khasaaro badan geystay oo ka dhacay Duleedka Gaarisa

Gaarisa (Halqaran.com) – Qarax khasaaro badan geystay ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay duleedka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi beri ee dalka Kenya.

Wararka ay helayso HalQaran News ayaa sheegaya in Qarax miinada dhulka lagu aaso ah uu ka dhacay halkaasi, kaasi oo la sheegay in lala-beegsaday Qaraxaasi Kolonyo gaadiid ah oo Galbinaysay Xildhibaan.

Waxaa la xaqiijiyay 5 Askari oo ku dhaawacmay Qaraxaas, waxayna wararka ay intaasi ku darayaan in qaar ka mid ah Askarta ay Xaaladdoodu aad u liidato.

Xildhibaanka Qaraxa lala beegsaday ayaa magaciisa lagu sheegay Ibraahim Cabaas oo ka tirsan baarlamaanka Ijara, waxaa xiliga Qaraxa lala beegsaday kolonyadiisa uu ku sii jeeday degmada Hulugho.

Geesta kale, saraakiisha Booliska gobolka Waqooyi Bari ayaa ka hadlay weeerarka khasaaraha badan geystay, waxayna ay ku eedeeyeen inay geysteen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...