Hiiraan (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahino dheeraad ah kasoo baxaya dagaalo Culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Macaawisleyda iyo maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ayaa ka dhacay Galbeedka Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay, kadib markii xoogaga macaawiisleyda ay weerareen deegaano ay Galbeedka Beledweyne kaga sugan yihiin Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Afhayeenka Ciidamada macaawiisleyda Maxamed Sheekh Salaad ayaa sheegay in dagaalka ay khasaaro ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, balse dhankooda uu jiro khasaaro dhaawac ah, isla markaana ay la wareegeen degaannadii lagu dagaalamay.
Maxamed Sheekh Salaad ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle iyo Maamulka Gobolka Hiiraan inay xoogagga macaawiisleyda ka taageeraan dagaalka ay kula jiraan Ururka Al-Shabaab.
Waxaa dhowr jeer hore deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada xoogagga Macaawiisleyda iyo Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





