Friday, July 10, 2026
25 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay duqeymo culus oo ka dhacay gobollada Baay iyo Jubbada Dhexe

Jubbada Dhexe (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Gobolada Baay iyo Jubbada dhexe ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay ka dhaceen duqeymo ay fuliyeen diyaarado dagaal.

Deegaanka Buulo Fulaay oo ka tirsan Gobolka Baay, ayna ku sugan yihiin Al-Shabaab ayaa xalay waxaa lagu dhuftay laba gantaal, waxaana xigay ciidan dagaal toos ah oo dhulka halkaasi ka fuliyay.

Waxay kaloo wararku ay sheegayaan in Ciidankaan ay yihiin kumaandooska dowladda Federalka Soomaaliya oo halkaasi hawlgal gaar ah ka fuliyay.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay hawlgalkaasi Ciidamada ay ka fuliyeen deegaanka Buulo Fulaay ee Gobolka Baay.

Sidoo kale, diyaarad dagaal ayaa la sheegayaa inay xalay duqeysay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe.

Duqeyntan ayaa lala eegtay sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay Al-shabaab, kaasi oo lagu magacaabayey Macalin Ibraahim Abuu Xamsa, ahaana madaxii isku xirka Al-qaacida iyo Al-Shabaab.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid si toos ah faah faahin rasmi ah uga bixisay khasaaraha kala duwan ee ka dhashay duqeymahaasi xalay ka dhacay Baay iyo Gobolka Jubbada Dhexe.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...