Awdheegle (Halqaran.com) – Waxaa Faah-faahin dheeraad ah kasoo baxaysa qaraxyo iyo dagaal toos ahaa oo maanta Maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku qaadeen degmada Awdhgeele ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Wararka ayaa tibaaxaya, in qaraxyo laga soo buuxiyay labo gaari lagu galay saldhig ciidamadda Danab ay ku leeyihiin degmada Awdheegle, waxaana kadib dhacay dagaal culus oo fool ka fool ah.
Gaariga koowaad ayaa lagu beegsaday iridda saldhigga militariga, waxaana halkaas ku dhintay ciidamadii ilaalada ka ahaa saldhigga, daqiiqad kadibna gaari labaad ayaa gudaha saldhiga lagu weeraray, waxaana halkaas ka dhashay khasaara aad u xooggan.
War rasmi ah oo kasoo baxay taliska maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ayaa si hordhac ah loogu sheegay in weeraradan oo loo adeegsaday laba kamid ah gaadiid walxaha qarxa lagasoo buuxiyay lagu laayay askar iyo saraakiil farabadan.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarka lagu dilay ilaa 10-askari oo isugu jirey saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale ku jirey sawir qaade warbaahinta codka Ciidamada u shaqeynayay.
Ilaa iyo hadda ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda Soomaaliya oo loogu hadlaayo dagaalka iyo qaraxyadda ka dhacay Awdhiigle.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com