Sunday, November 9, 2025
28.2 C
Mogadishu

Dhageyso wareysi: Ujeedka Kulankii dalka Sacuudiga ku dhexmaray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Wasiirro ka tirsan DFS!

Makkah (Halqaran.com) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sharaxaad ka bixiyay kulankii ay dalka Sacuudiga kula yeesheen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka ayaa sheegay in hal qasri ay wada daganaayeen wafdiga Wasiirrada ee ka socday dowladda Soomaaliya iyo wafdiga uu hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland, sidaasna ay sawirka uwada galeyn,balse aysan siyaasad kawada hadlin.

Wuxuu kaloo xusay in uu arkayay dad siyaasadeynaya kulanka ay la qaateen Madaxweynaha Somaliland.

”Wafdiga Madaxweynaha Somaliland iyo annaga waxaan wada deganeyn hal qasri, masaajid ayaa isku aragnay aniga iyo wasiirada kale dowladda federaalka ayaa u tagay oo salaamay, isagana si qurux badan oo soomaalinimada iyo walaalo isu soo hiloobay ayuu noo soo dhoweeyay oo sharaf ku jirto waan isa salaamanay waa is marxabeynay, kaddib waxaa isku arkeynay meelaha muslimiinta tagaan sida Carafo iyo mina, waxaa arkay dad Soomaaliyeed oo meelo kala duwan ku sugan oo siyaasadeynayay kulankaas, wax gaar ah kama wada hadal, siyaasad shuqul kuma laheyn”, ayuu yiri Wasiir Cawad.

Haddaba hoos ka dhageyso wareysi xiiso gaar ah leh oo laanta Af Soomaaliga ee VOA-da la yeelatay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad islamarkaana ka wareystay kulanka iyo sawirka ay wada galeen madaxweynaha Somaliland.

 

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...