Monday, April 20, 2026
29 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Korneyl Caarre oo ka hadlay wada-hadallada uu kula jiro Somaliland & Qodobbada la…

Sanaag (Halqaran.com) – Korneyl Siciid Cawil Jaamac (Korneyl Caare) horayna uga mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Somaliland, balse iminka dagaal kula jiro ayaa ka hadlay dhex dhexaadin maalmihii la soo dhaafay laga dhex waday isaga iyo Somaliland.

Hoggaamiyaha Jabhadda la magac baxday Dulmi Diid Korneel Caare ayaa sheegay in wadahadallada intooda badan guul laga gaarin, isla markaana la isla gartay ilaa saddex qodob oo saldhig u noqonaya in xabada la joojiyo.

Wuxuu sheegay in qodobbada lagu heshiiyay ay kala yihiin, in marka hore Xabada la joojiyo in nabad la raadiyo, intaasi kadibna uu bilaawdo wadahadal toos ah oo u dhaxeeya Somaliland iyo Jabhadda korneyl Caarre.

Hadalka ka soo yeeray Korneyl Siciid Cawil Jaamac (Korneyl Caare) oo madax ka ah jabhad hubeysan oo dagaal kula jirta Somaliland ayaa ku soo aadeysa xilli maalmihii la soo dhaafay ay u kala dab qaadayeen isaga iyo Somaliland waxgarad ka soo jeeda Gobolka Sanaag.

Halkan ka dhageyso korneel Caare:

Xafiiska Halqaran.com, Hargeysa
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...