Friday, May 1, 2026
28.4 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ciidamada Liyuu boolis iyo Al-Shabaab & Millateriga Itoobiya oo ku biiray +SAWIRRO

Godey (Halqaran.com) – Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Federaalka Itoobiya ayaa ka soo dhaqaqaaqay magaalada Godey ee dowlad deganka Soomaalida, kuwaas oo ku wajahan deegaanada dhaca Xaduudaha oo ay maalmihii u dambeeyey dagaallo ku dhexmarayeen ciidamada dowlad degaanka iyo Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar oo Ciidamada soo sagootiyay ayaa kula dardaarmay inay gutaan waajibaadkooda qaran, isla markaana ay dagaal adag la galaan Al-Shabaabka weerarka ku soo qaaday.

Mr Mustafa Maxamuud Cumar ayaa in Al-Shabaab ay yihiin Koox Argagaxiso ah oo diidan ammaanka iyo Horumarka Geeska Afrika, ayna muhiim tahay in hal meel looga soo wada jeesto si looga guuleysto.

Ugu dambeyn, waxaa maalmihii la soo dhaafay dagaallo xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Liyuu boolis iyo Al-Shabaab ka dhacayeen deegaanno ka mid ah dowlad deegaanka Soomaalida dhinaca xadka gobolka Bakool. waxaana Maanta dagaal kale uu ka dhacay dhinaca deegaanka Feer-Feer ee Gobolka Hiiraan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...